Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Zakiya Xuseen Axmed ayaa xaqiijisay in ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay gacanta ku dhigeen askartii ka dambeysay dilka Taliyihii ciidanka Gorgor ee Kumaandooska Somalia.
Zakiya ayaa shaacisay in dhammaan xabsiga loo taxaabay ciidankii ku sugnaa kontoroolka uu dhibku ka dhacay, islamarkaana ay haatan ku socdaan baaritaano.
Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in ay shacabka la soo wadaagi doonaan baaritaanka kiiskaas iyo wax ka soo baxa.
Taliyaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Maxaadeey Saleebaan Eebakar iyo lala toogtay askari ka tirsanaa ilaaladiisa.
Dilkan ayaa yimid, kadib markii ay rasaaas ku fureen ciidanka ilaalada Hotelka Maa’ida Ex Naasa-hablood laba ee degmada Xamar Wayne gaari uu watay sarkaalka.
Caasimada Online ayaa ogaatay in sarkaalka inta aan rasaasta lagu furin uu codsaday in laga qaado birta si uu u gudbo, balse waxaa ka diiday ilaalada Hotelka.