Adeegga Internet-ka ee ka maqan Somalia oo muujiyey hal arrin oo xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Adeegga Internet-ka Soomaaliya ayaa ka maqan gobollada koonfurta maalinkii afaraad oo xiriir ah, waxaana muuqata qalad weyn oo Soomaaliya ka jira, oo dhaliyey saameyn ballaaran.

Maqanaanshaha internet-ka ayaa yeeshay saameyn xooggan, islamarkaana sababay inay istaagaan adeegyadii guud ee aas-aasiga ah ee dalka, maadaama internet-ka hal meel ka yimaado.

Internet-ka oo ah nooca Viber Optic ayaa waxaa keena fiilo weyn oo badda soo marta, taasi oo la sheegay inuu jaray Markab badda marayey.

Waxaa hakad ku jira adeegyo ay ka mid yihiin, xawaaladihii, bankiyadii, shirkada ka shaqeeya xagga duuliimaadyada ee jaraya tikidhada iyo sidoo kale shirkadihii ganacsiga,

Waxaa intaas dheer, in dadku aysan awoodin inay la xiriiraan ehalladooda dibedda ama aqristaan wararka waxa ka socda guud ahaan Soomaaliya iyo caalamka, oo ku xiran net-ka.

Warbaahin badan ayaa awoodi weysay inay wararka geliyaan website-yada, si ay u aqristaan dadka qurbaha jooga, inkasta oo Caasimada Online ay adeegsaneyso taleefanno wararka loogu soo gudbiyo, kadibna laga qoro dibedda, halka markii hore gudaha laga soo qori jiray.

Arrimahana oo dhan ayaa muujinaya ina qalad tahay in hal fiilo ama hal il la isku haleeyo, marka ay noqoto internet-ka dal dhan. Waxaa muhiim ah in awoodda internet-ka la qeybiyo, loona gacan geliyo dhowr shirkad oo kala duwan.

Arrintan ayaa waxay tijaabo u tahay dowladda federaalka, waxaana la ogaan doonaa waxa ay ka yeesho si aysan dib ugu dhicin.