Maamulka Gobolada Dhexe oo arrin cusub u sameyneysa Farmaajo dartiis

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, wuxuuna Muqdisho yimid afar sano kadib markii uu xilka ka dagay Xasan Sheikh Maxamuud.

Kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa lagu taageeray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxaana kulanka ka qeyb galay madaxweynaha Ahlu sunna ee gobolada Dhexe.

Kulankaasi ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa xildhibaano ka tirsan baarlamaanka kuwaasi oo codkooda ku doortay Farmaajo, kuwaasi oo sheegay inay kasoo horjeedeen danaha wadamada shisheeye ay ka lahaayeen dalka Soomaaliya.

Farmaajo, sanadkaan wuxuu heystaa fursad uu ku mideyn karo kala qoqobnaata ka jirta gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya ee u dhaxeyso Galmudug iyo Ahlu sunna.

Maamulka Ahlu sunna ee gobolada Dhexe ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay in deegaanada maamulkooda ay tagi karaan dadka kasoo jeeda deegaanada Galmudug oo inta badan aan tagi jirin deegaanada Dhuusomareeb iyo Guriceel.

Talabadaasi ayaa suuro galin karta in shacabka iyo madaxda Galmudug ay tagi karaan deegaanada maamulkaasi, waxayna sahli doontaa in isku soo dhawaansho laga dhex dareemo labada maamul.

Madaxweynaha maamulka gobolada dhexe ee Ahlu sunna wuxuu si cad u sheegay in Farmaajo looga baahan yahay mideynta shacabka ku dhaqan deegaanada Mudug iyo Galgaduud.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Farmaajo looga baahan yahay inuu mideeyo ciidamada ku sugan deegaanada maamulka Galmudug.

Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa heysta Fursad kale maadaama Guuleed uu iska casilay xilka madaxweynaha Galmudug, isagoo dhexdhexaadin ka dhex bilaabi karo maamulka labada dhinac.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com