Akhriso: Agaasime kale oo xilka laga qaaday iyo cabsi soo wajahday agaasimayaasha DF

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirada Xukuumadda Xasan Cali Kheyre ayaa sii laba jibaaray xil ka qaadista ay ku sameenayaan agaasimayaasha wasaaradaha ee waqtiga badan shaqdaan hayey.

Eng. Cabdi Canshuur Xasan oo Wasiirka Boostada, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada ee Xukuumadda Soomaaliya  ayaa shaqo joojin ku sameeyay Ku simaha Agaasimaha Guud Wasaaradda Axmed Xaaji Cabdi, isagoo magacaabay ku sime cusub.

Sida ka muuqato waraaqdaan  a soo baxday Wasiirka oo ku taariikheysneyd 18-kii bishan, kuna socotay Agaasimaha shaqada laga joojiyay, laguna ogeysiiyay, Wasiiru dowlaha, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Hanti dhowrka Guud, Xisaabiyaha Guud ayaa waxaa lagu sheegay in shaqada laga joojiyay Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada Axmed Xaaji Cabdi.

Waraaqdaan ayaa lagu sheegay inuu ku simaha agaasimaha fullin waayey talooyin badan oo ku saabsan,  isla markaana uu ku kacay falal lagu curyaaminayo habsami u socodka howlaha wasaaradda oo ay ugu horeyso diyaarinta sharciga isgaarsiinta qaranka oo muhiimad gaar ah u leh dalka, sida lagu xusay waraaqdaa uu ku saxiixan yahay Wasaiir Canshuur  ee nuqul kamid ah heshay Caasimadda Online

Xil ka qaadistaan ayaa kusoo aadeyso xilli dhawaan muran badan ka dhashay xil ka qaadis uu Wasiirka Arrimaha Gudaha ku sameeyey xoghayihii joogtada aheyd, murankaas ayaana gaaray ilaa Madaxweyne Farmaajo, taasoo ugu dambeyn keentay inu Yaxye lagu qanciyo inuu aqbalo xil ka qaadistii lagu sameeyey.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso xil ka qaadistaan:

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com