Akhriso: Madaxweynaha xilka laga qaaday ee Hirshabeelle oo labo gobol ka dhigay Hiiraan “Maxaa ka dhalan kara”?

Baladweyne (Caasimada Online) – Madaxweynihii xilka laga qaaday ee dowlad Goboleedka HirShabeelle Cali C/llaahi Cosoble, ayaa qaaday tallaabo sharciga u ogolaaneyn oo uu ku magacaabay gobolka cusub, isagoo kala qeybiyay Gobolka Hiiraan.

Wareegto uu ku saxiixnaa Cali C/llaahi Cosoble,ayaa waxaa lagu magacaabay Gobolka Shabeellaha Sare kaas oo xaruntiisa laga dhigay degmada Buulo Burde, isaga oo ka koobnaan doona 5 degmo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in gobolka Hiiraan uu isagana noqonayo 7 degmo oo guud ahaan  labada Gobol ay noqonayaan 12 degmo.

Arintaan magacaabista Cosoble, ayaa u muuqata mid uu ku cadeynayo in uu ka maarmo Gobolka Shabeellaha dhexe, waxa ayna sii xoojin kartaa xiisada ka dhex taagan hoggaanka sare ee maamulk HirShabeelle.

Caasimada Online
Xafiiska Baladweyne
Caasimada@live.com