Amarkii gobolka Banaadir ee baabuurta jidka dhinaciisa la dhigo oo isu badalay mashruuc

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhawaan soo saaray amar lagu sheegay inaan wax baabuur ah la dhigi karin Laamiyada Muqdisho wax ka badan 30 daqiiqo.

Maamulka ayaa sheegay in amarkaan lagu yareenayo qaraxyada loo adeegsado baabuurta la dhigo meelaha lagu shaaho iyo maqaayadaha la isugu imaado hortooda, wuxuuna u muuqday mid saxan oo loogu adeegayo shacabka Muqdisho.

Balse markii dambe amarkaan ayaa isku badalay mashruuc markii ay bilaabeen ciidamo ka tirsan taraafikada dowladda inay lacago ka qaataan baabuurta isla markaasna ay ku xareeyaan xerada Fish Taraafiko ee Magaalada Muqdisho.

Jidka Makka Al-Mukarama ayaa ah mid aad u mashquul badan isla markaasna ay ku yaalaan ganacsiyo aad u waaweyn, waxaana ka dukaameysto inta badan dad wato gawaari, waxayna ciidamada Taraafikada bilaabeen inay baabuurtaas ka xeystaan isla markaasna ay kusoo dalacaan lacago baad ah.

Amarka Gobolka Banaadir ayaa ahaa in baabuurka uu ugu yaraan xaq u leeyahay inuu 30 daqiiqo yaalo isla markaasna uu qofka wato dukaameysto si deg deg ahna meesha uu uga qaado, balse waxaa hadda muuqato in xataa la qaadanayo baabuurta iyadoo ay ku jiraan darawaladii waday si looga qaado lacag baad ah.

Baabuurta laamigaas lasoo dhigo ayaan xataa la ogaan karin waqtiga uu halkaas yaalay maadaama aysan jirin cid waqti u qabato isla markaasna ka war qabto xilliga halkaas lasoo dhigay, waxayna midaas keentay in baabuurkii hadda lasoo dhigay iyo midkii horey u yaalay la isku qaso si loo helo lacag baad ah.

Ganacstada Laamiga Makka Al-Mukarama ayaa dhibaato aad u weyn ku qabo go’aankaan oo markii dambana isku badalay mashruuc, waxayna midaas keentay inay waayeen dadkii gawaarida watay ee ka ganacsan jiray.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo taliyaha ciidamada Taraafikada Cali Gaab ayey u muuqataa inay raali ka yihiin mashruucaan cusub, maadaama aysan weli ka hadlay isla markaasna aysan tallaabo ka qaadin nimanka bilaabay mashruucaan.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII