Amiirka Qatar oo kulanka QM ka sheegay arrin xasaasi ah oo Soomaaliya ku saabsan

New York (Caasimadda Online) – Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani oo ah Amiirka Dalka Qatar ayaa khudbad xasaasi ah xalay ka jeediyey shirka Qaramada Midoobay Shalay uga furmay Magaalada New York ee wadanka Mareykanka.

Amiirka ayaa inta badan khudbadiisa kaga hadlay go’doominta lagu hayo dalka Qatar oo uu ku tilmaamay inay tahay xaq darro ay wadaan xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Wuxuu Sheegay inay arrintaan tahay mid laga leeyahay siyaasad qarsoon isla markaasna wuxuu carabka ku dhuftay inay marmarsiiyo ka dhiganayaan inay Qatar taageerto Kooxaha Argagixisada.

Wuxuu sheegay in Wadamada ku midoobay dallada Qaramada Midoobay ay dhammaantood marqaati ka yihiin inaysan Qatar wax taageero ah siinin Argagixisada taas badalkeedana ay juhdi ku bixisi sidii loo ciribtiri lahaa.

Wuxuu Xulafada Sacuudiga ku eedeeyey inay faragelin ku hayaan madax banaanida dalka Qatar midaasna ay tahay wax aysan qaadan karin Shacabkiisa iyo dowladiisa.

Wuxuu si sarbeeb ah u sheegay inay dowlahadaas xataa faragelin ku hayaan dalal ay kamid tahay Soomaaliya si ay taageero uga helaan go’doominta Qatar la saaray, midaasna ay sidoo kale tahay xad gudub.

” Xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka ee go’doominta na saaray dalkeena bis faragelin kuma hayaan, waxaa jiro dalal badan oo adduunka ku yaal oo ay si toos ah u farageliyeen maamulkooda” ayuu yiri .

Hadalkaan ayaa kusoo aadayo xilli Puntland, Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay gebi ahaanba sheegeen inay xiriirka u jareyn dalka Qatar, waxaana laga yaabaa inuu Amiirka  arrintaan duraayey.