Sawir gacmeed: Heerka qabyaalada Soomaalida

Muqdisho (Caasimada Online) – Qabyaalada Somalia ayaa gaartay heerkii ugu xumaa iyadoo ay saameyn xoogan ku yeelatay Fanka iyo Waxbarashada.

Sawir gacmeedkaani oo inbadan ku fari doona ka fogaanshiyaha Qabyaalada ayaa waxaa lagu muujinayaa in Soomaalida Heesaha ay ku dhageystaan qaab Qabiil.

Ruux waliba waxa uu dhagta ku hayaa Heesaha Fanaanka ay iska heebta yihiin waxa ayna taasi sii fogeyneysaa rajadii laga lahaa burburinta Qabyaalada.

Soomaalida ayaa jecel in wax waliba ay ku saleeyaan Qabyaalada waxa uuna iminka dareenka marayaa in Heesaha la qabyaaladeeyo.
FAN