Waxaa Magaalada Kismaayo ka dagay wafdi balaran oo uu hogaaminayo mid kamid ah Saxiixeyaasha qorshaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo laguna magacaabo Sh Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax.
Wafdigaan oo ka kooban Xubnihi Gudiga Farsamada Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo iyo waliba Saxiixeyaasha Qorshaha nabada Jubboyinka iyo Gedo ayaa si heer sare ah logu soo dhaweyay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Wafdigaan ayaa markiay gareen garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo waxaa halkaasi ku soo dhaweyay Saraakil ka tirsan Maamulka KMG ah ee Kismaayo oo ay horkacayaan Axmed Madoobe iyo Col Yasiin Raader.
Wafdigaan ayaa waxaa sido kale weheliyay Xubno ka socda Urur Goboleedka Igaad oo asagu Gudiyada Maamul usameynta Jubboyinka ka taagera dhanka farsamada.
Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa manta laga dareemaya dagaanan badan waxaana maalin ka hor shacabka Kismaayo lagu wargaliyay in aysan bari sameyn dhaqdhaqaaq badan madaama magaalada ay ku soo leyhiiin wafdi culus.
Dorba waxaa bilowday kulamo ay yeelanaya Masuliyinta ugu saraysa Maamulka kmg ah iyo Wafdigi balaraana ee so garay Magaalada Kismaayo waxaayna ka arinsanayaan sidi hal bil gudaheed logu soo dhisi laha Maamulka Jubbaland State.
Wafdiga ayaa waxaa manta la soo tusay goobta logu tala galay in lagu qabto shirweynaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo waxaana la isla meel dhigi doona sidi Ergoyinka shirka ka qaybgalaya ay ku soo gaari lahayeen Magaalada Kismaayo.
Wafdiga maanta soo garay Magaalada Kismaayo marka laga reebo xubnaha Igaad ayaa waxaay ku sii sugnan doonan Magaalada Kismaayo inta dhidibada lo tagaayo Maamulka Jubbaland State.