Axmed Madoobe oo ka yaabsaday xildhibaano iyo Sheekh Shariif oo helay fursad qaali ah

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa wali magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ka socda shirar gaar gaar ah oo u dhexeeya Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe, Sheekh Shariif Sh. Axmed iyo Xildhibaanada BFS ee Kismaayo lagu soo doortay.

Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Sheekh Shariif oo si guud ula kulmay Xildhibaanada ilaa iyo hadda gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa laga dalbaday inay taageeran Sheekh Shariif.

Axmed Madoobe ayaa Xildhibaanada si cad ugu sheegay in codadkooda uu leeyahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uuna tilmaamay in wadaadka uu yahay mid miisaan ku dhex leh Siyaasada Somalia mudada uu xilka hayayna uu waxbadan u qabtay dalka.

“Xildhibaan waliba waxa uu leeyahay xoriyad gaara balse anigu waxaan idinka dalban lahaa in taageero cod aad siisaan Sheekh Shariif oo aan ognahay waxa uu qabtay mudada uu talada dalka hayay” ayuu yiri Axmed Madoobe oo la hadlaayay qaar kamid ah Xildhibaanada gaaray Kismaayo.

Xildhibaanada kulanka ku sugnaa ayaa aad ula cajiibay dalabka uu Axmed Madoobe u jeediyay Xildhibaanada taa oo aheyd mid su’aalo badan ka dhex dhalisay Xildhibaanada Labada Aqal.

Axmed Madoobe ayaa horay u taageersanaa Cumar C/rashiid waxaana iminka la ogeyn ujeedka Axmed Madoobe uu ka damacsan yahay teegeerada uu u muujinaayo Sheekh Shariif.

Dhinaca kale, Xildhibaanada BFS ayaa mid waliba taageero gaara u ah Musharax kale, waxa ayna Su’aashu tahay Xildhibaanada lagu doortay Kismaayo ma dooran doonaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com