Axmed Madoobe oo si xun ula dhaqmay xildhibaan Xidig kadib markii uu maanta ku dhaqaaqay….

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa xabsiga dhigay Kontomeeyo ruux oo isugu soo baxay Banaanbax ay ku muujinayeen taageerada Musharaxa Gudoomiyaha BFS Cabdirashid Maxamed Xiddig.

Ciidamada maamulka ayaa xiray ku dhawaad 12 ruux oo kamid ahaa ragga soo abaabulay dibadbaxa, kuwaa oo la sheegay in dhaqaale xoogan ay ku qaaten muujinta Banaanbaxyada.

Ciidamada ayaa la sheegay in Axmed Madoobe uu ku amray inay ka hortagaan dibadbaxa, ayaa cudurdaar ka dhigtay in dibadbaxayaasha ay qalqal galinayaan amniga magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa si ba’an kaga soo horjeeda kursiga uu Xiddig isku soo sharaxaayo, oo uu u arko inuu beesha Daarood ka horistaagi doono xilalka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Axmed Madoobe ayaa Xiddig muddo dhowr jeer uga digay inuu isku sharaxo Kursiga, waxaana arrintaa dhagaha ka fureystay Xildhibaan Xiddig, ayada oo xaaladda ay iminka u muuqato mid sii xumaaneysa.

Dhinaca kale, Cabdirashiid Xiddig ayaa aad uga carooday falka uu manata kula dhaqmay Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe, sida ay sheegeen dad ku dhow.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com