Baarlamanka oo ka doodaya qodob adag oo cabsi galiyay tiro xildhibaano ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Somalia ayaa lagu wadaa in goordhow ay kulan ku yeeshaan Xarunta Golaha Shacabka, kaa oo looga doodi doono qodobo muhiim ah oo qaarkood uu muran ka taagan yahay.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa dhammaan Xildhibaanada ku wargaliyay inay usoo xaadiraan fadhiga maanta oo uu sheegay inuu muhiim yahay.

Qodobada ay maanta ka doodi doonaan Xildhibaanada ayaa waxaa ka mid ah Go’aankii kasoo baxay Maxkamadda Sare ee dalka kaa oo ahaa in dib loogu noqdo doorashada 8 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa lagu wadaa in maanta ay go’aan cad ka qaatan qorshaha dib loogu celinaayo Kuraasta la amray in doorashadeeda lasoo bilaabo.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Xildhibaanada laga doonaayo inay cadeeyan mowqifkooda si xal looga gaaro muranka ka taagan Kuraasta.

Dhawaan ayay aheyd markii goortii Maxkamadda Sare ee dalka ay soo saartay amar ku aadan in dib loogu noqdo doorashada 8 Xildhibaan ee lagu eedeeyay in ay kusoo baxeen qaab ka baxsan Sharciga.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com