Beesha Habar-Gidir oo cadeysay mowqifkeeda ku aadan golaha wasiirada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo laba maalin un ka hor Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Kheyre uu ku dhawaaqay Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia, ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay Beelaha Soomaaliyeed.

Waxgaradka Beelaha Habar Gidir oo kamid ah Beelaha ka hadlay magacaabida ayaa sheegay inay taageersan yihiin magacaabida Golaha Wasiirada.

Waxgaradka Beelaha Habar Gidir, ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka ka dalbaday inay meel mariyaan Wasiirada waxa ayna tilmaameen inay ku qanacsan yihiin awood qeybsiga.

Caaqil Xasan Cilmi Yaxye oo kamid ah waxgaradka ayaa sheegay in Beesha Habar Gidir ay ku qanacsan tahay qeybinta Golaha Wasiirada.

Beesha Habar Gidir ayuu sheegay in lasiiyay Kuraasta ay dooratay waxa uuna cadeeyay in Ra’isul wasaare Kheyre uu ka jawaabay dalabka Beesha, sidaa darteedna ay garab taagan yihiin Xukuumada Somalia.

Caaqil Xasan Cilmi Yaxye ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Xukuumadda si meesha looga saaro hoos u dhac ku imaada Siyaasada ay ku shaqeyneyso DFS.

Ugu dambeyn Imaam Cabdullaahi Khaliif Rooble ayaa ka codsaday Golaha Wasiirada Cusub in iyaguna haddii ay helaan Kalsoonida Baarlamaanka oo matala Shacabka Soomaaliyeed ay noqdaan kuwa bulsho-weynta Soomaaliyeed u adeega ee aan ka shaqeysan sida uu hadalka u dhigay ”Kala geyn”.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa doraad soo Magacaabay Golihiisa Wasiirada kuwaas oo la horgeyn doono Golaha Shacabka si Codkooda Kalsoonida loogu weydiiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com