Bisha Shawaal oo laga arkay Soomaaliya, Sacuudiga iyo dalal kale (CIID WANAAGSAN)

Makkah (Caasimada Online) – Wara hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in bisha Shawaal laga arkay qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya, sidaas darteedna berri oo axad ah ay tahay maalinta koowaad ee ciida.

Meelaha bisha laga arkay waxaa ka mid ah deegaanno ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe sida Balcad iyo Mahadaay iyo qeybo kale oo ka mid ah gobolka Mudug, sida Xarardheere. Sidoo kale gobollada Bay iyo Bakool ayaa bisha laga arkay.

Sidoo kale, Wasaaradda Awqaafta Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in berri ay tahay ciid, kadib markii ay xaqiijisay in bisha laga arkay gobollo badan oo dalkeenna ka mid ah.

Dhinaca kale, Guddiga raadinta bisha ee dalka Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay in maanta ay ahayd maalintii ugu dambeysay ee bisha barakeysan ee Ramadan, islamarkaana maalinta axadda ee beri ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga.

Guddiga ayaa sheegay inay ciidda ku dhawaaqeen kadib markii qeybo ka mid ah dalka Sacuudiga laga arkay bisha Shawaal.

Sidoo kale dalalka Qatar iyo Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqay in berri oo axad ah ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga, kadib markii ay shaaca ka qaadeen in bisha Shawaal la arkay.

Dalka Lubnaan ayaa sidoo kale lagu warramay in bisha laga arkay, oo berri ay ciid tahay.

Caasimada Online waxay dhammaan saaxiibada ku xiran leedahay ciid wanaagsan. Soonka allaha naga aqbalo, kan xigana cimri iyo cibaado wanaagsan allaha nagu gaarsiiyo. CIIDA WANAAGSAN.

Cassimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com