Cabsi xoogan oo ka jirta Somaliland & ciidamada oo heegan la geliyay (Maxaa cusub)

Hargeysa (Caasimada Online)- Waxaa xiisad aad u daran ka jirtaa deegaanada Somaliland, waxaana heegan buuxa la geliyay ciidamada booliska.

Cabdullaahi Fadal Iimaan taliyaha ciidamada booliska ee Somaliland ayaa sheegay in magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo Burco ay geeyeen ciidamo boolis ah.

Ciidamadaasi ayuu sheegay iney ka hortagi doonaan waxyaabaha carqaladeyn kara amaanka magaalooyinkaasi.

Waxaa jirto cabsi xoogan oo laga qabo in shacabka magaalooyinkaasi isku dhacaan maadaama ay kala taageersan yihiin xisbiyada kala duwan.

Taliyaha ciidanka Booliska Maamulka Somaliland Cabdulaahi Fadal Iimaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ammaanka degaanada maamulka Somaliland si weyn loo adkeeyay.

Taliyaha ayaa digniin adag u diray dadka warbaahinta hanjabaada  isku mariya oo uu sheegay in  ay qalqal galinayaan ammaanka dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Somaliland
Caasimada@live.com