Caddeyn: Wasaarada maaliyada oo madaxa isku galisay ganacsatada Soomaaliyeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaarada Maaliyada Xukuumada Somalia ayaa waxaa lagu eedeeyay in cadaalad darro ay ku maamusho lacagaha Canshuurta ah ee laga qaado Ganacsatada Soomaaliyeed.

Wasaarada ayaa la xaqiijiyay in Canshuurta laga qaado Ganacsatada ay dib ugu celiso Ganacsato kale kuwaa oo la sheegay inay ku intifaacan.

Qaar kamid ah Ganacsatada laga qaado Canshuurta ee lacagahooda lagu bixiyo Ganacsatada kale, ayaa sheegay in Wasaaradu ay ku tumaneyso xuquuqda Ganacsatada.

Waxa ay sheegen in Canshuurta ay kaga qaado Dekadda magaalada Muqdisho ay dib u siiso Ganacsato kale, taa ay ku tilmaameen mid cadaalad daro ah.

Waxa ay arrin xaaraan ah ku tilmaamen in dhaqaale xoogan oo looga qaado Dekada hadana lagu bixiyo Ganacsato kale, waxa ayna talaabadaasi ku sheegen mid aan wanaag u horseedi doonin DFS.

Waxa ay ku baaqen in laga fiirsado talaabooyinka jari kara wada shaqeynta ka dhexeysa Wasaarada Maaliyada iyo Ganacsatada, waxa ayna ku goodiyeen inay hakin doonaan Ganacsiga kaga soo dega Dekadda Muqdisho.