Culimada Damu-Jadiid oo Villa Somalia soo buux dhaafiyey iyo qorshahooda

Muqdisho (Caasimada Onlone) – Warar aan ka helnay ilo-wareedyada aan ku leenahay Villa Somalia, ayaa sheegaya in Khilaafka madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul wasaare Cabdi Weli uu sababay in Madaxda Dam-Jadiid, gaar ahaan Culimadooda ay isku gureen Villa Somalia.

Wararku waxa ay sheegayaan in ka badan 17 Culimo ka tirsan Dam-Jadiid ay xiligaani deegaan ku yihiin aqalka madaxtooyada, iyagoona kullamo joogta ah la qaadanaaya Madaxweyne Xasan iyo xubnaha ururka ugu jira labada gole ee dowlada.

Ujeedka Culimada loo dajiyay xarunta madaxtooyada ayaa ah inay xal Siyaasadeed u raadiyaan Khilaafka xiligaani ka dhex taagan Madaxweyne Xasan iyo ra’iisul wasaare C/Weli, waxa ayna xooga saarayaan sidii loogu guuleysan lahaa mooshin lagu soo afjarayo Cabdi Weli.

Culimadan ayaa sidoo kale tallo bixinaya qaabka ugu sahlan ee looga gudbi karo Khilaafka ama meesha looga saari lahaa Cabdi Weli.

Ma jiro wax natiijo ah oo ay culimadaasi kusoo biiriyeen Siyaasada daxaleysatay ee xiligaani ragaadisay Somalia, balse waxaa la filayaa in maalmaha soo socda uu dalka ka dhaqan gali doono tallooyinka Culimada Damu-jadiid siin doonaan Xasan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com