Cumar Dhagey oo shaaciyay xiliga lasoo afmeerayo doorashada gobollada Waqooyi

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia ay ka socto Doorashada Gobolada Waqooyi, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka dadban Cumar Cabdulle (Cumar Dhagey).

Cumar Dhagey ayaa sheegay in Doorashada Guddomiyaha ka hor lasoo gabagabeyn doono Doorashada Gobolada Waqooyi ee ka socta magaalada Muqdisho.

Cumar Dhagey waxa uu sheegay in Doorashooyinka Gobolada Waqooyi ay tahay mid waxyar un ay ka harsan yihiin loona baahan yahay in tirada harsan lasoo afmeero doorashadooda.

“Qorshaheenu waxa uu yahay in xubnaha harsan si degdeg ah lagu qabto doorashadooda waxaanu rajeynaynaa in xubnahaasi ay qeyb ka noqdaan doorashada qabsoomi doonta”

Waxa uu intaa ku daray in Guddiga doorashooyinka Gobolada Waqooyi ay isla fahmeen in la dadajiyo xubnaha harsan doorashadooda.

Haddalka Guddoomiyaha ayaa imaanaya xili maalinimadii shalay la bilaabay Doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com