Daawo: Sida maanta loo qabtay dhalinyaradii watay mootada iyo jaakada qaraxa

Afgooye (Caasimada Online) – Ciidamada Dowlada ee ka howlgala Degmada Afgooye ayaa soo bandhigay dhalinyaro watay Mooto iyo Jaakada lagu fuliyo ismiidaaminta.

Ciidamada ayaa soo bandhigay Seddex ruux iyo Mooto ay wateen kuwaa oo xiliga la qabanaayay watay Jaakad ismiidaaminta lagu fuliyo.

Dhalinyarada lagu qabtay Jaakadaha ayaa inkiray wax ka ogaanshiyaha Jaakada iyagoo ku dooday inaanu la socon waxa ay jaakadu tahay, balse ay u sideen ruux kale oo Teleefoonka ku hagaayay.

Caaismada Online
Xafiska Muqdisho
caasimada@live.com