Daawo wareysi uu bixiyay mid kamid ah musharixiinta madaxweynaha Somalia ee doorashada 2016

wareysigan oo taabanayay dhinacyo badan ayaa waxaa Televisionka Star ee loosoo gaabiyo STN uu layeeshay gudoomiyaha Xisbiga Somali Social Unity Party (SSUP) mudane Yassin Mahi Mallin
oo isagu dhawaanahanba ku sugnaa dalka Kenya,

musharaxa ayaa kadhawaajiyay in ay lagama maarmaan tahay in lahirgaliyo nidaamba qof iyo cod isagoona sheegay in xisbigiisu ay ka go’antahay hirgalinta nidaamkaasi,

Mar laweydiiyay waxa kudhaliyay inuu siyaasada kusoo biiro ayuu ku sheegay in uu qibrad siyaasadeed oo lagu samatabixin karo Somaliya oo kadhaxlay intii uu diba joogay isagoo sheegay inuu xilal kala duwan kasoo qabtay dalka Sweden,

Musharaxa ayaa ka dhawaajiyay in dalku ubaahanyahay cadaalad sidaa darteedna uu xisbiga SSUP uu xal uheli doono arinta 4.5 oo Somalida ku noqotay cudur aan dawo laheyn.

Yassin ayaa hore u ahaa laacib kubada kolayga u ciyaara Gobolka Banadir isagoo dalka markii ka tagayna magangalyo ka helay dalka Sweden. taasoo u suurto galisay inuu wax badan oo horumar dheeri ah ku tilaabsado sidoo kalena uu xubin kanoqday baarlamaanka dalkaasi.

Daawo wareysiga.