Dagaal beleed maanta ka dhacay Muqdisho (Yaa dagaalamay?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowlada ayaa goordhow ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Dagaalka oo ahaa mid wakhti badan qaatay ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhashay dhul ay isku heysteen laba reer.

Ciidamada Dowlada ee dagaalamay ayaa la kala saftay labada qoys waxa ayna isku adeegsadeen rasaas ay ka dhalatay khasaaro kala duwan.

Khasaaraha ugu badan ee dagaalka ka dhashay ayaa soo gaaray dadka deegaanka oo ay ku dul dagaalameen Ciidamada, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin inta uu la eg yahay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaal ka dhasha dhulal lahaanshihiisu uu muran badan ka taagan yahay.

Maamulka Degmada Hodan ayaan wali ka hadal Dagaalka goordhow ka dhacay Degmada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com