Bartii Twitter-ka ee Aljazeera oo hawada dib loogu soo celiyey iyo shaki weyn oo…

Dooxa (Caasimadda Online) – Akoonka Barta Twitterka Aljazeera qeybta Carabiga ayaa dib ugu soo laabtay hawada kadib markii loo ganaaxay cilad Network oo lagu sheegay”an organised campaign”.

Akoonkaan oo ay ku xiran yihiin 12 million followers ayaa u xayirmay sabab aan si rasmi ah loo ogeyn aruurtii hore ee Sabtida Maanta ah.

Al-Jazeera waxaa laga leeyahay dalka Qatar oo dhexda uga jirto go’doomin ay ku hayaan dowlado ka tirsan Khaliijka, kadib markii lagu eedeeyey inay xiriir la leedahay argagixisada, waxaana laga shakisan yahay in weeraradaan ku socdo Al-Jazeera ay arrintaas salka ku heyso.

Akoonka ayaa dib loo soo celiyey xilli dambe oo saakay ah oo waqtiga dalka Qatar ah.

Sababaha ugu weyn ee akoon Twttier ah loo xiri karo marka uu jabiyo sharciyada waxaa kamid ah:

1) in lasoo dhigo warbixino Spam ah

2) in la jabsado ama la waxyeeleeyo.

3) in waxyaabo xun lagu soo qoro, sida in lagu soo qoro waxyaabo lagu weerayo akoono kale oo Twitterka ah.

Ilaa hadda ma jirto sharci kamid ah sharciyadaan oo uu jabiyey akoonka Al-Jazeera, waxaana si weyn loo saadalinayaa in si ula kac ah loo xiray akoonkaan oo ay ku xiran yihiin Malaayiin qof.

Al-Jazeera ayaa leh akoono badan oo Twitter ah kuwaas oo lagu soo qoro Luuqado kala duwan, midka Carabigana waa midka ugu badan ee waxyaabaha deg deg ah lagu soo qoro.