Deg deg: Golaha Wasiirada oo go’aan cad ka qaatay kiiska Qalbi Dhagax

Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha Wasiirada oo maanta kulan deg deg ah ku qaatay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ayaa go’aan cad ka qaatay kiiska Qalbi Dhagax oo muran badan dhaliyey.

Kulanka wasiirada oo ahaa mid waqtigiisa laga soo hormariyey ayaa looga hadlay dhibitaankii Qalbi Dhagax iyo haddii uu go’aankaas ahaa mid saxan iyo sababta keentay.

Warar ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in Golaha Wasiirada ay ansixiyeen go’aanka Xukuumadda ka qaadatay arrinta C/kariin Qalbi Dhagax oo dhowaan loo gacan geliyay dowladda Itoobiya.

Daqiiqado kadib ayaa la filayaa inay golaha wasiirada soo saaraan war saxaafadeed ku saabsan arrintaas.