Deg deg: Madaxweynihii dalka Zimbabwe Robert Mugabe oo ku dhawaaqay inuu is casilay

Madaxweynaha dalka Zimbabwe  Robert Mugabe ayaa baarlamaanka hortiisa uga dhawaaqay inuu is casilay.

Is casilaada Robert Mugabe ayaa noqotay mid la yaab leh kadib markii uu dhawr jeer oo hore ku  adkeystay inuusan is casileyn.

Warqad uu soo saaray Mr Mugabe ayuu ku sheegay in go’aankaasi uu ahaa mid ikhtiyaari ah oo aysan cidna ku qasbin sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Iyadoo ay socotay qaban qaabo ku aadan in Madaxweynaha laga keeno mooshin xilka looga qaadayo ayaa si lama filaan ah waxaa Guddoomiyaha Baarlamaanka loo hor keenay waraaq kasoo baxday madaxtooyada oo uu Mugabe ku sheegay inuu is casilay.

Robert Mugabe ayaa asbuucii hore diiday inuu is casilo kadib markii ay talada dalkaas ay la wareegeen Ciidamada Militariga.

Madaxwyenahaan ayaa xilka hayey ilaa 1980, waxaana ku kacay ciidamada Militariga oo ku amray inuu is casilo.