DEG DEG: Qarax loo adeegsaday Gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Weerar loo adeegsaday gaari ayaa waxa uu goordhow ka dhacay Isgooyska dabka ee wadada Makka Almukarama.

Weerarka ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari nooca raaxada ah, waxaana lagu qarxiyay goob ay ku sugnaayen ciidamo ka tirsan dowlada oo ku howlanaa baaritaan.

Qaraxa kadib ayaa waxaa la maqlay rasaas xoogan oo ay ridayeen ciidamada dowlada oo saameyn ku yeeshay dad shacab ah oo goobta ku sugnaa.

Goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa ah Saldhiga Degmada Waabari oo ku garabyaala wadada Makka Almukarama.

Goobta ayaa waxaa ku sugnaa dad aad u farabadan oo shacab u badnaa, waxaana xusid mudan in khasaaraha ka dhashay Qaraxa uu yahay mid aad u badan.

Ciidamada amaanka ayaa jaray wadooyinka gala Saldhiga iyo Isgooyska debka.

Ma cadda heerka uu gaarsiisan yahay Khasaaraha waxaana goobta ku qulqulaaya Gaadiidka gurmadka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com