DEG DEG: Shirka Addis-Ababa oo ugu dambeyn heshiis lagu gaaray

Addis Ababa (Caasimada Online) War hadda soo dhacay wuxuu sheegayaa in shirkii Addis Ababa uga socday xubnaha ka kala socday dowladda federaalka Soomaaliya iyo mid ka mid ah garab-yada isku haya Kismaayo oo ah Axmed Madoobe lagu heshiiyey.

Labada dhinac ayaa maalmahan ku shirayay Addis Ababa, waxaana shirkooda caqabad ku noqday qodobo  ay ka mid yihiin cida maamuleysa garoonka iyo dekedda Kismaayo.

Shirka ayaa labadii cisho ee la soo dhaafay qarka u saarnaa in lagu kala boodo, tusaale, xubnaha dowladda waxa ay ku dhaganaayeen in lagu wareejiyo maamulka dekedda iyo garoonka.

Laakin arrinta muranka dhalisay waxaa soo dhex-galay waddamada Ethiopia, Kenya, Midowga Afrika, IGAD, Qaramada Midoobay iyo diplomaasiyiin kale, waxaana la sheegay in arrinta dekedda iyo garoonka Kismaayo heshiis laga gaaray.

Inkasta oo aan la shaacin qaabka loogu heshiiyey, oo lagu sheegi doono war-murtiyeedka berri, balse xog si gaar ah ay u heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Axmed Madoobe muddo lix bilood ah uu sii maamuli doono dekedda iyo garoonka Kismaayo.

In lagu dhawaaqo heshiiska shirka ayaa la sheegay in uu hakad ugu jiray qoddobkan oo labada dhinac ay isku maandhaf-sanaayeen iyagoona kala joogey meelo kala fog.

Isku soo duub maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in la qabto xafladda xiritaanka shirka, waxaana lagu dhawaaqi doonaa qoddobo muhiim ah oo ay ku kala saxiixan yihiin Faarax Sheekh Cabdiqaadir Wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo Axmed Maxamed Islaam oo ahaa hoggaamiyaha garab ka mid ah dhinacyada isku haya Kismaayo.

Si kastaba, laba cisho ka hor ayey ahayd markii sidan oo kale heshiis loo gaaray, haddana subaxdii ay ergada beddeleen fikirkooda, waxaana suurta gal ah in amr kale ay sidaas dhacdo, inkasta oo aysan u badneyn markan.

Dhinaca kale, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Villa Somalia kula kulmay odayaal iyo wax-garad ka soo jeeda gobalada Jubbooyinka, wuxuuna kala hadlay shirka Addis Ababa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com