DEG DEG: Taliye ku-xigeenkii hore ee Saadka Militeriga oo goordhow lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ay dileen Taliye ku-xigeenkii hore ee Saadka Militeriga Janaraale C/llahi Qururux.

Dilka Taliye ku-xigeenkii hore ee Saadka ayaa ka dhacay degmada Waaberi, gaar ahaan albaabka Masjidka Al-Iman oo ku dhow Xarunta Degmada.

Sida laga soo xigtay goobjoogayaal dilka ayaa waxaa fuliyay laba dhalinyaro oo ku hubeysnaa bastoolado xili uu Taliye ku-xigeenka kasoo baxay Masjidka oo uu kusoo dukanaayay Salaada cisho.

Taliye ku-xigeenka ayaa waxaa lala dilay hal Askari oo ilaalo u ahaa, waxaana dilka kadib goobta ka baxsaday maleeshiyaadkii dilka geystay.

Allaha u naxariistee Janaraale C/llahi Qururux oo ahaa Taliye ku-xigeenkii hore ee Saadka Militeriga ayaa xilkaasi hayay muddo badan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo badanaaya dilalka loo geysanaayo dadka ka tirsan dowlada, waxa ayna taa muujineysaa in halista maleeshiyaadka ay weli taagan tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com