DF oo Muqdisho ku qabaneyso shirweyne xal u noqon kara shacabka Soomaaliyeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay qabaneyso shirweyne ay ka qeyb galayaan shacabka Soomaaliyeed, kaasi oo ah mid dib u heshiisiin ah.

Shirweynahaasi waxaa la filayaa inay ka qeyb galaan qeybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed, waxaana ku dhawaaqay wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Mr Cabdi Faarax Juxa.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Wasaaradiisa ay ka shaqeyn doonto Hormarinta iyo midnimada dadka Soomaaliyeed, islamarkaana ay ka dhabeyn doonaan sidii Soomaalida ay si dhab ah u wada hadli lahaayeen.

Sidoo kale waxa uu xusay in ay muhiim tahay in dib u heshiisiin laga dhex sameeyo Bulshada Soomaaliyeed isla markaana ay ka shaqeynayaan midnimada dadka, isagoo ka codsaday caalamka inay dowladda arintaasi ku taageeraan.

Wasiir Juxa ayaa sheegay in ujeedka shirkaasi uu yahay in dib u heshiisiin dhab ah laga dhex sameeyo dadka Soomaaliyeed ee walaalaha ah maadaama dalka muddo uu colaad ku jiray, loona baahan yahay in dhabta la ogaado lagana gudbaa.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa horay u sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xooga saareyso dib u heshiisiin dhab ah si dadka Soomaaliyeed isdhex galkooda uu u sahlanaado.