Diyaarad sida maxaabiistii laga daayay xabsiyada Ethiopia oo Muqdisho kusoo wajahan

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in saacadaha fooda nagu soo haya ay magaalada Muqdisho soo gaarto diyaarad sida Maxaabiis dhawaan laga soo daayay Xabsiyada dalka Ethiopia.

Maxaabiistan ayaa waxaa laga soo dajin doonaa Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaa iminka ka socda qabanqaabo lagu soo dhaweynaayo maxaabiista.

Garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa ku sugan Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale oo doonaaya inay ka qeybqaatan soo dhaweynta.

Maxaabiistaan ayaa qaarkood muddo waxa ay ku xirnaayeen xabsiyo ku yaalla magaalooyinka Addis Ababa iyo Jigjiga ee dalka Ethiopia.

Maxaabiista la sugaayo ayaa kor u dhaafaya 110 Maxbuus oo deysmadooda ay ka shaqeysay dowlada Somalia.

Dhinaca kale, dowlada Ethiopia ayaa maxaabiistani cafisay wixii ka danbeeyay Heshiis wada jira oo labada dal ay kala saxiixdeen.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com