“Doorashadu in la musuqo waxaa ku xigay in siyaasiyiin arbusha musharaxnimada Shariif la sameeyay”

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdullaahi Sheekh Xasan oo ah Wasiirka Ganacsiga maamulka Koofur Galbeed Somalia, ayaa ka hadlay doorashooyinka ka dhacay dalka iyo kuwa la filaayo in dhawaan ay ka dhacaan magaalada Muqdisho.

Isagoo u waramaayay Idaacada DR ee magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay in doorashooyinka dhacay iyo kuwa dhici doonaba ay yihiin kuwo ku dhacay hanaan Musuq-maasuq.

Cabdullaahi Sheekh Xasan, waxa uu sheegay in waxa ka dhacay dalka aysan aheyn doorasho balse la orankaro tijaabo lagu sameynaayay suuragalnimada in dalka ay ka dhacdo doorasho Musuq leh.

Waxa uu sheegay in nidaamka doorashada uu hareeyay musuq iyo ku takrifal awoodeed, waxa uuna meesha ka saaray in waxa ka dhacay dalka lagu tilmaamikaro doorasho.

”Anigu maqabo in waxa dalka ka dhacay ay yihiin doorasho, balse waxaan qirayaa in waxa dhacay ay yihiin xifaaltan shabahaaya doorasho”

”Musuqa iyo ku tagrifalka doorashada waxaa u sabab ah Madaxtooyada Somalia oo raali ku ah qaabka ay doorashada u socto”

Wasiir Cabdullaahi Sheekh Xasan, waxa uu sidoo kale sheegay in dhalinyaro iyo Kooxo farabadan loo sameeyay arbushaada musharaxnimada Shariif Xasan, waxa uuna carab dhabay in Hogaamiyuhu uu guuleysan doono.

Haddalka Cabdullaahi Sheekh Xasan, ayaa imaanaya xili dhawaan laga laalay Musharaxnimadiisa Baarlamaanka cusub ee Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com