Xog: Doorka Puntland ee ogaanshaha kaluumeysiga sharci darada oo la shaaciyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee la dagaalanka burcad badeeda ee Puntland ayaa shaaciyay in maamulka C/Welli Gaas uu ka warqabo kaluumeysiga sharci darada ah ee ka socdo xeebaha Puntland.

C/risaaq Maxamed Dirir, ayaa sheegay inuu hayo cadeymo cad oo muujinaya ogaanshaha maamulka Puntland uu ka warqabo kaluumeysiga sharci darada ah ee ka socdo xeebaha Puntland ku teedsan.

Wuxuu sheegay in sababaha xilka looga qaaday ay tahay inuu marar badan ka hadlay arimaha kaluumeysiga sharci darada ah ee ka socdo xeebaha Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii aad tagto xeebaha habeennimo waxaad arkaysaa sida sharci darrada ah ee loo jilaabanayo, waa Iiraaniyiin, Yemen iyo kuwo aan anagga lug ku leenahay oo wasaaradaheena iyo dowladdeena (Puntland) lu ku leedahay oo ay bixiso leesinnada”

“Waxaana hayaa caddeymo ku saabsan arrintaasi oo maraakiib Kuuriya oo Afar ah ay ku jiraan xeebteenna illaa iyo muddo hore laga soo bilaabo 2004, waxay bedaleen magacii markii dowladdaasi ay sheegtay in maxkamad la taagi doono ciddii lagu arko Jilaabasho sharci darro ah”

“Qoraalkiina waan hayaa, markii ay sidaasi yiraahdeen Soomaali baa dabcan wada, dowladana (Puntland) waxbay ka ogtahay, calankii Kuuriya waa la dejiyey oo waxaa la saaray calanka Soomaaliya, waana meelaha la iga soo galay bilowgii” ayuu yiri Duceysane.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com