Dowladda Qadar oo sheegtay inaysan aqoonsaneyn hawo u gaar ah Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Qadar ayaa sheegtay inaanu wax saameyn ah ku yeelan Hawada Dowladaha isbaheysiga ee laga mamnuucay diyaaradaheeda.

Qadar ayaa tilmaantay inay isticmaasho waddooyin ka duwan kuwii hore oo ay kamid tahay Hawada Somalia, waxa ayna farta ku goday in talaabooyinka lagu caburinaayo aysan waxba ka bedeli doonin mowqifkeeda lidka ku ah dowladaha Isbaheysiga.

Qadar waxa ay muujisay inay ka maarmi karto isticmaalka Hawada Sacuudiga, Masar iyo dowladaha kale ee qeybta ka ah xanibaada.

Waxa ay Qadar sheegtay in hawada ugu badan oo ay isticmaasho ay tahay Hawada Somalia, kadib markii ay heshiis la galeen dowlada Somalia.

Maxamed Cabdulraxman Al Thani oo ah Wasiirka arimaha dibada Qatar, ayaa sheegay in Hawada Somalia aysan ka idan qaadan doonin cid aan aheyn dowlada Somalia, waxa uuna meesha ka saaray in Somaliland ay ka xanibi karto Hawada Somalia.

Al Thani, waxa uu wax kama jiraan ka dhigay go’aanka ay Somaliland ku mamnuucday in diyaaradaha Qadar ku isticmaalan Hawada, waxa uuna sheegay inaanu jirin Hawo u gaara Somaliland.

Sidoo kale, Al Thani ayaa tilmaamay in Somaliland ay xubin ka tahay dowlad Goboleedyada ka faracma dowlada Somalia, sidaa aawgeedna aysan wakhti u heyn go’aanka kasoo baxay Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, talaabadani ay muujineysa in Qadar ay lasii fogaaneyso xiisada kala dhexeysa Sacuudiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com