Duleedka Gelinsoor oo lagu dagaalay

Caasimada Online ayaa warar dheeraad ah ka heshay dagaal xoogan oo ka dhacay duleedka degmada Gelinsoor ee gobolka Mudug ,kaasi oo geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay maleeshiyo beeleed wada dega deegaanada gobolka Mudug iyo ximan iyo xeeb,waxaana la sheegayaa inaan la ogeyn waxyaabaha keenay dagaalka ka dhacay xalay duleedka degmada Gelinsoor.

Hubka noocyadiisa kala duwan ayay isku adeegsadeen labada dhinac,dhawaqa rasaasta waan ka seexan weynay”Sidaa waxaa caasimada Online u sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka degmada Gelinsoor.

Sida wararka aan ku helayno lix ruux oo dhinacyada dagaalamay ah ayaa ku dhintay dagaalka oo xilli habeen ah dhacay,waxaana ku dhaawacmay dad kale oo badan  oo isugu jira dadka dagaalamay iyo dadka deegaanka.

Deegaanka uu dagaalka ka dhacay ayaa degmada Gelinsoor u jira qiyaasti 40 Km dhanka waqooyi Galbeed,waxaana la sheegayaa in beelaha dagaalamay marar badan ay ku dagaalameen halkaasi.