Fallanqeyn: Madaxweyne Farmaajo wuxuu qaatey go’aan wanaagsan

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Todobaadka soo socdo u kicitimaya magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaasoo uu uga qeyb gali doono shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ee sanadlaha “2017”

Warka beenta ah ee sheegayo madaxweyne Farmaajo waxa uu haystaa dhalashada Maraykanka sidaa darteed ayuu shirka uga baaqdey warkaa waxba kama jiro.

Madax badan oo caalamka ah ayaa haysto dhalashada Maraykanka oo shirkaa Tageysa kuwaas oo Qaar kood yihiin reer yurub, sida Raysal wasaaraha wadanka ugraa’iin iyo kuwa la mida.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wuxuu muujiyey waayo aragnimada uu ka dhaxlay waqtigii uu Raysal wasaaraha ahaa Dawladii Ku meel-gaarka ahayd ee Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa doonaya in xukumadu Raysal wasaare khayre

hesho inay Golaha wasiiradu wada shaqayn karaan iyadoo Madaxweynuhu koox gaara ah oo wasiiro ah sameysan sidii lagu yaqiinay Madaxweyna-yaashii isaga ka horeeyey ee Soomaaliya.

Arintaan oo kale waxaa lagu xasuusan karaa sidii Quruxda badneyd ee ay u wada shaqeeyeen Madaxweyne Aden Cabdulle Cusmaan iyo Raysal wasaare Cabdirsaaq Xaaji Xuseen sanadii 1960- 1967.

labada Marxuum ilahay ha u naxariiste waxay soo qabteen shaqo wacan waana waqtiga kaliya ee soomaaliya ahayd Dawlad leh hogaan ku dhisan Dimuqraadiyad Xor ah iyo tixgalinta sharciga dalka u dagsan.

waxayna labadaa masuul caalamka waqtigaa jiray la sameysteen heshiisyo badan oo ilaa dawladii ugu danbeysay la fuliyey sida dhismaha wadooyinka iyo dakadaha barbara iyo Muqdisho.

Falanqeyn-tayda waxaan ku muujinayaa in Madaxweyne Farmaajo ku amaanan-yahay in beesha caalamku aragto In Dawlada Faderaalka Soomaaliy leedahay awood sharciyeed ay kuwada shaqeyn karto iyadoo la soo dhexgalin.

Wuxuuna Madaxweyne Farmaajo ogolaaday awooda dasruurka ku meel-gaarka Siiday Raysal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyrre.

Talaabadan ayaa ah mid shacabka soomaaliyeed ku ilaabayaan is qabqabsigii dhinaca Awoodda Dawlada ee u dhaxaysay Madaxweynaha iyo Rasal wasaaraha Taas oo ahayd Sida looga Qayb galo shirka caalamka.

Fursadan uu lelay Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ah inuu hogaamin doono wasiirada xukumadiisa sida wasiirka arimada Dibada iyo Qorsheenta wuxuu khudbad dheer oo uu uga hadlayo xaalada Soomaaliya iyo Qorshaha xukumadiisa ee dib u dhiska Siyaasada Faderaalka ku dhisan ee soomaaliya ka jeedin doonaa shirka Golaha guud ee Qaramaha midoobay.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa inta uu ku sugan yahay New York kaga qeyb galaya shirar gaar gaar ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ka dhinac furmaya shirka Golaha guud,

Siyaasadan cusub ee uu qaatey madaxweyne Farmaajo ee ku dhisan isqadarinta madaxda dowlada Faderaalku waxay keenaysaa isqadarinta hay ‘adaha dawlada Faderaalka iyo xiriirka maamul Gobaleedyada.

Taas oo lagu Gaari karo siyaasad ku dhisan ilaalinta sharciga iyo sameynta Dastuur Faderaal ah kaas oo ka dhexeeya shacabka soomaaliyeed oo dhan

Arintaan markii lahelo waxaa dhacaysa Doorasho xor ah oo lagu dhisi karo

Qaran xor ah oo mushtamaca aduunka si booxda wax ula qeyb sankara.

Waxaan Falanqeyn tayda ku soo Gaba gabaynayaa siyaasada wanaagsan ee uu keenay Madaxweyne Farmaajo ha isku dayin inaad Qariso hadaa tahay Qof geesi ah oo runtu u tahay muftaaxa nolosha.

Arintaan oo Raysal wasaare khyrre helo Xuquuqdiisa shaqo waxaa noogu danbeysay waqtigii Madaxweyne  “Adan Cade”

Baar Taariikhda Soomaaliya si aad u ogaato xaqiiqda jirta, Mucaarad noqo ama muxaafad noqo ee Taariikhda been ha ka sheegin.

Qore Danjire: Maxamed Caalim

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid