Farmaajo oo ku wajahan magaalada Qaahira xili ay Masar sii shideyso xiisada Khaliijka

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno ilo wareedyo ku sugan Villa Somalia, ayaa sheegaya Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo uu safar shaqo ku gaari doono magaalada Qahira ee xarunta dalka Masar.

Ilo wareedka ayaa laga soo xigtay in Madaxweynaha uu safarkiisa ku beegan yahay todobaadkan gudihiisa, kadib markii uu casuumaad ka helay dhigiisa dalka Masar Cabdifataax Al-Sisi.

Xafiiska Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa iminka soo gaartay warqada casuumada ee kaga timid Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Sisi oo dhawaan ay isku arkeen shirka dalalka Islaamka iyo Mareykanka ee ka dhacay Sacuudi Carabiya.

Labada Madaxweyne ayaa kawada hadli doona amuuraha labada dal, Siyaasada, Amniga, Tababarada ciidamada iyo Xiisada ka dhex aloosan dowladaha Khaliijka iyo Mowqifka ay ka taagan tahay dowlada Federaalka.

Casuumada ayaa ah mid lagu doonaayo in Masar ay ku dhalanrogto siyaasada Madaxweyne Farmaajo, waxa uuna qorshaha ugu weyn xiligaani yahay in Somalia lagu qanciyo inay ku biirto xulafada Sacuudiga.

Sidoo kale, booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Masar ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ay xiriirka diblomaasiyadeed u jareen dalka Qatar.

Dhinaca kale, dowlada Federaalka ayaa dhawaan shaacisay mowqifkeeda ku aadan xiisada ka dhex aloosan Khaliijka, waxa uuna mowqifkeeda noqday dhex dhexaadnim.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com