Gaas oo ku wajahan degmada ugu halista badan Puntland iyo diyaarad sida ciidan oo…

Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland C/wali Gaas, ayaa lagu wadaa in goordhow uu u socdaalo Degmada Qandala oo dhowaan ciidanka Puntland ka saareen dagaalyahano taabacsan Daacish.

C/wali Gaas, ayaa halkaasi ku booqan doona Saraakiisha iyo Ciidamada maamulka ee dhawaan la wareegay Degmada Qandala.

C/wali Gaas, ayaa sidoo kale halkaasi kulan dhiirigalin ah kula qaadan doona dadka maamulka Degmada iyo dadka halkaasi ku dhaqan, waxa uuna sidoo kale halkaasi ku nagaan doonaa dhowr saac.

Gaas, ayaa waxaa Qandala uga hormaray Helikobtero sida Ciidamo Koofi cas, kuwaa oo sii xaqiijinaayo amniga goobaha uu cagta marin doono Hogaamiyaha.

Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka ayuu sidoo kale, ka dalban doonaa inay la shaqeeyan maamulka isla markaana ay kasoo horjeestan maleeshiyaadka Daacishta Somalia.

Geesta kale, Kooxda Daacish ayaa Xarun ku leh Buuraleyda galgala, waxaana sidoo kale la sheegayaa in ay ku sugan yihiin Buuraleyda Gobolka Bari.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com