Gaas oo sheegay in Puntland duulaan lagu yahay (Yaa soo weeraray?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Welli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlayay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Mudug iyo weerarkii Daacish ay sheegteen ee ka dhacay magaalada Boosaaso.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in xiisadaha colaadeed ee ka taagan gobolka Mudug iyo weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ay yihiin fariin muujineysa duulaan lagu soo qaaday deegaanada Puntland.

Shacabka ku dhaqan deegaanada Puntland ayuu ugu baaqay inay isku duubni muujiyaan ayna ka fakaraan xaalada amaan ee Puntland iyo mustaqbalka deegaanadaasi.

“Waxaa muuqata sida hadda wax u dhac dhacayaan, waxaa muuqata in duulaan lagu soo yahay Puntland meelo badan marka in aanu taxadar badan sameyno, la iskana kaashano nabadgalyadeena”

“Puntland meel ay joogtaba waxaan kula dar daraamayaa in nabadgalyadeeda la adkeeyo, shaqaaqooyinka Mudug ka soo cusoobaanaday, waxaan ku baaqayaa Bulshada meeshaas ku nool labada dhinacba in darisnimada laga shaqeeyo Ramadan ayaa lagu jiraa”

“Shaqaaqadii ka dhacday Boosaaso intii dhimatay Allaha u naxariisto, gacan ka xaqdaran ayaa dishay, waxayna taasi nagu sii boorinaysaa cadow raba inuu ku dilo, in la iska celiyo mooye waana ka guuleysanaynaa sidii aan horay uga guulaysan jirnay.” Ayuu yiri Gaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com