Golaha ammaanka QM oo maanta ka shiraya laba arrin oo Somalia ku saabsan

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah ay 15-ka Xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM uu shir uga furmo Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York.

Shirkaani oo ah mid Khaasa ayaa waxaa looga hadlayaa Xaalladda Ammaanka iyo Macluusha ee Somalia iyo Xiisadda dalka South Sudan.

15-ka Xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM ayaa warbixino ka dhegeysan doonaan Xoghayaha Guud ee QM, António Manuel de Oliveira Guterres iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Britain, Boris Johnson.

Labadaani mas’uul ee warbixinada laga dhageysan doono ayaa kawarbixin doona Macluusha ay kusoo arkeen bishan March 7-dii iyo 15-da Muqdisho iyo Baydhabo.

Boris Johnson ayaa la filayaa inuu faahfaahin ka bixiyo Xaalladda Ammaanka iyo Macluusha ka jirta Somalia, wuxuu kaloo sharxi doona Doorka Dowladda Britain ee Arrimaha Ammaanka iyo dib-u-dhiska Somalia.

Dowladda Britain oo ka mid ah Dowladaha taageeradda ugu badan siiya Dowladda Federalka iyo Hawlgalka Somalia ayaa la filayaa inay bisha May ee soo socota qabanqaabiso Shirweyne Caalami oo looga hadli doono Taageeradda Dowladda Somalia ee Arrimaha Ammaanka iyo Adeegyadda Bulshadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com