Golaha Wasiirada oo Xasan Sheekh u ansixyey xuquuq Joogta ah, iyagoona Inkirey madaxdii ka horeysey

Kismaayo (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyey xuquuq miisaaniyadeed oo loo qoondeeyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kadib shir ay ku yeesheen magaalada Kismaayo.

Qoraal kasoo baxay golaha wasiirada oo lasoo gaarsiiyey Caasimada Online ayaa lagu yiri “Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale maanta u codeeyey oo ansixiyey xaquuqda Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo go’aanka golaha wasiirada loo gudbin doono Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo si uu dekreeto uga soo saaro. Dastuurka ayaa u oggolaanaya in Madaxweynihii hore oo xilka si nabad ah ku wareejiyey uu yeelanayo xaquuq isaga iyo qoyskiisa ah”.

Sharcigaan cusub ee Golaha wasiirada ansixiyeen ee xuquuqda madaxweyneyaasha dalka soo maray ayaa ah mid aan khuseyn madaxweynihii ka horeeyay Xasan Sheekh Maxamuud ee Shariif Sheekh Axmed, taasoo u muuqata mid lagu inkiray xuquuqda uu Xasan Sheekh yeelanayo mid la mid ah inuu leeyahay.

Weli si ramsi ah looma shaacin heerka ay gaarsiisan tahay miisaaniyadda loogu tala galay madaxweyne Xasan Sheekh iyo lacagta bil walba dowladda ay u qoondeysay, maadaama aan lagu shaacin qoraalka golaha wasiirada.

Si kastaba, xogta Caasimada Online ayaa sheegeysa inay noqon doonto lacag ku filan noloshiisa, ilaaladiisa, hoygiisa iyo waxyaabaha kale ee uu u baahan yahay ee muhiimka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadda ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, halkaasi oo sidoo kale uu lacag ka qaato bil walba, si la mid ah xildhibaanada kale ee baarlamanka.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com