Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo digniin culus u kala diray Hay’adaha Garsoorka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan oo xafiiskiisa kula hadlay warfidiyeenada ayaa ka digay in Hay’adaha Garsoorka ay gumaadan dadka shacabka ah.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inaysan aqbali doonin in lagu xadgudbo dadka shacabka ah, waxa uuna ku baaqay in Hay’adaha Garsoorka ay dhex dhexaad ka noqdaan kiisaska horyaal.

Waxa uu Guddoomiyaha sheegay inay jiraan dacwado kaga imaanaya dhanka shacabka kuwaa oo la xiriira in dadka qaarkood ay Hay’adaha amaanka iyo kuwa Garsoorka ku xiraan si sharci daro ah.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay in dadka lagu xirayo Saldhigyada la hubiyo hadii aysan dambi lahayn la iska fasaxo oo la sii daayo hadii kalena si deg deg ah loo gudbiyo Hay’addaha Garsoorka.

Taliyayaasha Hay’adaha amaanka iyo kuwa Garsoorka ayuu sheegay inay la xisaabtami doonaan, isla markaana ay sameyn doonaan Guddi si hoose uga soo warbixiya waxyaabaha ka dhex jira Saldhigyada.

Sidoo kale, waxa uu cadeeyay inaanu sii shaqeyn doonin xafiis aan ku dhisneyn hanaan sharci ah, keliyana uu shaqeyn doono midka shacabka loogu adeego.

Haddalka Guddoomiyaha Maxkamada ayaa kusoo beegmaaya xili Xabsiyada dalka ay buux dhaafiyeen boqolaal dhalinyaro oo aan loo heysan kiisas sax ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com