Hailemariam Desalegn oo xil cusub u magacaabay Adhanom

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia, Hailemariam Desalegn, ayaa xil cusub u magacaabay Wasiirkii Arimaha Dibada dalkaasi Tedros Adhanom.

Hailemariam, ayaa Mr Tedros Adhanom u magacaabay la-taliyihiisa khaaska ah, kadib markii uu kamid noqday Wasiiro dhowr ah oo ku baxay Isku shaandheyn uu dhawaan sameeyay Ra’isul wasaaraha.

Hailemariam, ayaa magacaabida xilkaasi ku saleeyay maahida wali loo qabo magacaabida xilal cusub, waxa uuna tilmaamay in Mr Tedros uu kasoo bixi doono xilka loo magacaabay.

Tedros, ayaa sidoo kale, kamid ah Lix murashax oo utartamaya xilka Gudoomiyaha Hay’adda UNHCR oo la filaayo in doorashadeedu ay dhacdo bisha May ee sanadkan.

Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia, Hailemariam Desalegn, ayaa dhawaan Xukuumadiisa ku sameeyay isku shaandheyn, kadib markii Gobolo ka tirsan dalkiisa ay ka dhaceen kacdoono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com