Ismaaciil Cumar Gelle oo weerar ku qaaday maamulka Somaliland iyo mowqifkooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Wargeysyada kasoo baxa Jabuuti iyo Somaliland ayaa aad u hadal haya wareysi uu Madaxweynaha Jabuuti siiyay Saxaafada.

Wargeysyada ayaa qoray in Madaxweyne Geele uu aad u amaanay amniga iyo kala danbeynta ka jira deegaanada maamulka Somaliland.

Waxa uu Geele sheegay in shacabka maamulka Somaliland ay heystaan amni iyo kala danbeyn, waxa uuna intaa raaciyay in adduunka laga doonaayo inuu garab istaago Somaliland.

Mar wax laga weydiiyay doorashooyinka Madaxtinimada deegaanada Maamulka Somaliland ayuu sheegay inay garab ka geysan doonaan dhicitaankeeda waxa uuna sidoo kale carab dhabay in Somaliland ay lamid tahay maamulada kale ee ka jira Somalia.

Madaxweyne Geelle waxa uu tilmaamay in Somaliland laga doonaayo inay iska ilaawdo riyada mudada 26-ka sano ah ay ku jirto ee gooni isu taaga ah.

Geele waxa uu sheegay in inta badan wadamada caalamka ay ku jiraan xaalado dagaal isla markaana gooni isutaagan Somaliland ay sii kordhineyso hagar daameenta lagu hayo Somaliweyn.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Jabuuti ay qeyb ka tahay dowladaha aaminsan in Somaliland ay kamid tahay Somalia inteeda kale, isla markaana aysan u ictiraafi doonin dowladnimo.

Waxa uu farta ku goday in dhibaatada ka jirta Somalia ay soo idlaan doonto wixii ka danbeeya midowga Somalia oo idil.

Maamulka Somaliland ayaa aaminsan inay ka go’een Somalia inteeda kale.

Geesta kale, Shacabka maamulka Somaliland ayaa lagu wadaa in 13-Nov-2017 ay galaan doorashada Madaxtinimo ee maamulka.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Kismayao
Caasimada@live.com