Ixtiraam diineed iyo ifafaalo gobeed midna malaha reer Aala Sacuud

Kadib Markii dawlado uu hogaaminayo Sucuudigu xidhiidhka u jareen xukuumada dooxa, iyagoo u cuskaday inay taageerto Kooxaha Alqaacida, Xamaas iyo urur waynaha ikhwaanul muslimiin.

Kana xidheen Xuduudaha ay lawadaagaan dawladaasi Bad iyo bariba, una qabteen muddo kooban inay kaga baxaan Dalkooda muwaadiniinta iyo dibomaasiyiinta u dhashay dalkaasi Qatar.

Waxay Dawlada Qatar bilowday inay Baahideeda Nololeed Awdo, Furtana ilo dhaqaale iyo kuwo diblomyaasideed oo cusub.

Waxay bilowday inay Turkey iyo Iiraan quutul daruuriga kasoo iibsato saamigii ay ka iibsan jirtay Sucuudiga iyo Imaaraatka. Marinadii Hawada ee Diyaarada Qatar Airwaysna ay u wareejiso Somaaliya Iyo Iiraan.

Hadaba Shaqaadada Gacanka carbeed, 22kii dawladood ee ku midaysnaa Jaamacadda Carabtu & Wadamadii Islaamka waxay u kala qaybisay sidan:

  • Dawladdo taageeray Go’aanka Go’doominta
  • Dowlado Dhexdhexaad ka noqday wada hadalna ku baaqay
  • Dawlado la saftay Qatar

June 7deedii, Dowalada Soomaaliya Wasaaradeeda arimaha dibadu waxay go aan rasmiya kasoo saartay Khilaafka dawladaha carbeed. go aankaasi oo ku qotomay dhex dhexaadnimo iyo in xal diblomaasiyadeed lagu dhameeyo Carqalada taagan.

Khilaafka Carabtu Muxuu Daaran Yahay?.

Sucuudiga oo aaminsan inuu yahay Quwada kaliya ee ay haboontahay in wax laga waydiiyo Bariga dhexe, isuna haystay walaal ka wayn carabta kale oo ay tahay inay ku daba tukadaan ayaa ku colaadinaya dawlada Qatar dhowr arimood oo kala ah:

  • Doorka dhex dhexaadineed ee Ay ka qaadatay Dib u heshiisiinta ree falastiin
  • Doorka Warbaahineed ee Muuq baahiyaha Aljazeera ka qaadatay Kacdoonkii wadamada Carabta. kaasoo boqortooyada sucuudigu wadnaha farta ku hayso inuu saameeyo
  • Magan galyada ay siisay Hogaamiyeyaasha Xamaas iyo kuwa ikhwaan muslimiinka ee kasoo firxaday maamulka Siisi
  • Doorkii ay ku lahayd sii dayntii Ergadii qaramada midoobay ee kooxda alnusra front ku qafaalatay Dalka Siiriya
  • Diidmada qayaxan ee Dawlada Qatar kala hor timid dhigeeda sucuudiga inay xidhiidhka u jarto Iiraan.

Soomaaliya Oo La Kulmaysa Cadaadis Iyo Caga Juglayn

Dawladaha Sucuudiga iyo imaaraatka oo is gaashaan buuraysanaya ayaa bilaabay inay Soomaaliya ku weeraraan go aankeeda dhexdhexaadnimo. weerar kaliya ma ehee waa weerar iyo guluf colaadeed oo aduun iyo aakhiraba saamayn doona.

Carabtu waxay inaga doonayaan xidhiidh ku qotoma is adoonsi iyo aniga idaba soco ama si kale hadaan u dhigo anaa ku quudiyee qaraarkayga raac.

June 12keedii ayay ahayd markii Lataliyaha gaarka ah ee Boqorka Sucuudiga soo gaadhay muqdisho isagoo sita boorsooyin lacag ah iskuna dayaya inuu iibsado Soomaaliya iyo go aadkeeda madaxa banaan, nasiib wanaag se quus iyo qayb la aan iyo kula noqday halkii uu kasoo kicitimay.

Soomaliyana, Markii ugu horaysayna waxay muujisay inaan shilimaad lagu iibsan karin. Go aan siyaasadeed oo madax banaana ay leedahay. tahayna in lagu ixtiraaamo.

Sucuudiga & Imaaraatka hadaan khilaafno Maxaan ku waayi doonaa?

Lahjad aad moodo is adoonsi ayuu ku dhawaaqayaa sucuudigu sida:

Anaa ku quudiyee Qaadac Qatar, hadaadse qaadici waydo Mashaariic iyo maal galin iga heli maysid, Balan qaad iyo baaha toona kusiin maayo, Masaajid iyo malcaamad toona kuu dhisi maayo, Ceel iyo calaf toona kugu caawin maayo, agoon iyo miskiin toona wax kuu siin maayo.

Anaa Qiblo Kuu ah ee Qaadac Qatar, culimo wada buuni ah, waawayn oo ree sucuudiya ayaa habeen iyo maalin, dhacdo iyo baxdo, goor walba iyo goob kasta la taagan Fatwo xaraamayn iyo danbi ku oogid Diin siyaasadayn dawlada Qatar.

Mucaaradka Ayaan kugu hubayn hadaad qaadici waydo Qatar, Munaafaqad siyaasadeed iyo ciyaartay aadka u taqaanay ee Maalgalinta, hubaynta iyo buun buuninta kooxaha xag jirka ah ayay si hoose u qorshaysatay waana siyaasad ku qotonta wiiqida dawlada curdanka ah ee dhabihii hormarka dhowaanahan cagta saartay.

Ganacsiga iyo Quutul Daruurigaan kaa jari hadaad qaadici waydo Qatar, Imaaraatka ayaa ku goodinaya labada lugoodna dhulka ku garaacaya inuu cunqabatayn Ganacsi saari doono oo aanay jiri doonin wax ganacsi ah oo dhex mari doona ganacsata soomaalida iyo Xukuumada Dubai. Halka Sucuudigu xoolaha nool oo malaayiin soomaali ihi ku tiirsantahay uu ku goodinayo inuu joojin doono iibsashadooda.

Xajkaan Kuu Diidi Doonaa Hadaadan Qaadicin Qatar, Ixtiraam diineed iyo ifafaalo gobeed midna malaha ree aaala sucuud iyo xulfadoodu oo waatii Ismaaciil Baakistaani oo Quraan akhriye Soomaaliyeed ahaa Lasoo musaafuriyay. wayna dhici doontaa in Xajka laysu diido waa hadii Khilaafku gaadho mudadaas Soomliyaana ku adkaysato go aankeed.

Maxaa Inala Gudboon Dawlad Iyo Shacab ba?

Intaynu cad quudheed oo aniga idaba soco ku salaysan cuni lahayn, intaynu dulmi iyo dabadhilifnimo ku jiri lahayn, Intaynu go’aankeena iyo dadnimadeena cid kale u daba fadhiisan lahayn, ha i daayo sucuudi imaaraatna ha raaco, ana aan xor ahaado. deeqna tii alle weeye.

Carabi, Taariikhdii soo jireenka ahayd urur diimeed mooyee wax tar kale oo muuqda inooma soo waaridin.

Dawlad iyo Ciidan inalamay dhisin, Geesh Quwad leh oo ina garab istaaga inoomay soo dirin, Gogol heshiis inoomay fidin, Marti galin kamaynu helin oo Dadkeena walhadka colaada iyo abaaruhu ugeeyaan ee Badda dhumucda wayn sii jiidha way soo bahdilaan oo dib usoo celiyaan.

Ugu danbayn, Dhex dhexaad ayaa inoo balana iyo inaynaan Cidna xumayn waayo waa meerto dunidu oo galinba waa meele.

W/Q:- Axmed Abdalla Sheikh