Kaalinta ay cambarka oo ciriiri noqda iyo Deg Deg u biya baxa ku lee yihiin Madhalaysnimada Lamaanaha

MADHALAYSNIMADA NINKA

Sababaha ugu waaweyn ee ninka ku keena madhalaysnimada waxaa kamid ah:

1-   Ciniinnimo:- Ciniinnimadu waxa weeye inay ninka ku dhacdo tamardarri jinsiyeed iyo inuu galmada dhamaystiri waayo. Taasi waxa keeni kara geedkiisa oo si buuxda u kici waaya ama gebi ahaanba aan kicin. Baab dhan baannu kaga hadalnay ciniinnimada.

2-    Degdeg u biyabbax:- In kasta oo geedku uu si buuxda u kacayo haddana biyaha ayuu tuuraa isla marka ay dhalfadu cambarka gasho amaba inta lagu jiro hordhaca, kolkaasi oo intuu damo uu tamar dhigo.

3-    Xawada oo aan bislayn:- Amaba tiradooda iyo inta ka nooli ay yaryihiin, taasi oo markaasi keenaysa inay xawadu awood u yeelan weydo inay wax faxasho.

MADHALAYSNIMADA NAAGTA

Madhalaysnimada haweeneyda waxa keena cudurro fara badan oon halkaan lagu soo koobi karin, balse aynu ka taabanno inta ugu caansan:

1-   Cambarka oo ciriiri noqda:- Geedka ninka oo si buuxda u geli kari waaya cambarka, biyahana ku daadiya afkiisa hore ama meel aan ka fogayn ayaa kamid ah waxyaabaha haweenka ku keena madhalaysnimada, waxaana mararka qaar dhacda in murqaha cambarku ay xilliga galmada gariiraan taasi oo markaasi keenta inuu dibadda iskaga soo tuuro xawada

2-   Qaababka galmo een habboonayn:- Waxaa la wada ogsoon yahay in dumarka caadiga ahi ay uur ku qaadaan qaab kasta oo loogu galmoodo, iyaga oo u baahan qaddar yar oo xawo (sperms) ah si ay ugu gudbaan waddooyinka jirka, dabeetana uu midkood ugu guulaysto inuu faxlo ugxanta. Ha yeeshee dumarka qaar bay dhibaato kaga timaadaa rimayga. Dumarka caynkaasi ah raggooda waxay dhakhaatiirtu ku waaniyaan inay ugu galmoodaan qaabab sahlaya in tirada ugu badan ee xawo ahi ay cambarka gasho.

Qaababkaasi oo aynu hore u soo sharraxnay, waxa kamid ah inay haweeneydu u seexato dhabarka iyada oo barkimo doolasha iska gelinaysa si ay cambarka sare ugu soo qaaddo dabeetana gelitaanka geedka ninku ugu sahlanaado, taasi oo xawada gacan ku siinaysa inay si degdeg ah ku gasho ilma-galeenka. Kolka ay galmadu dhammaato, waa inay haweeneydu muddo dhowr saacadood ah iskaga jiifto dhabarka iyada oon wax dhaqdhaqaaq ah samayn, taasi oo markaasi kahortag u ah soo laabashada xawada, fududaysana inay ilma-galeenka u gudubto.

3-   Afka ilma-galeenka oo ciriiri noqda:- Taasi oo mararka qaar keenta inay xawadii ka daadato iyada oon gelin. Ciriirinimada afka ilma-galeenka guud ahaan waxaa keena gabadha oon si wanaagsan u qaaangaarin ama u bislaan.

4-   Ilma-galeenka oo qallooca:- Ma aha dhif iyo naadir in la’arko madhalaysnimo sababteedu tahay qallooc ku yimaada ilma-galeenka. Ilma-galeenka caadiga ah afkiisu waxa uu u jeedaa dhanka hoose, halkaasi oo ay xawadu ku soo shubanto kolka islaantu ay dhabarka u jiifto. Haddiise ilma-galeenku qallooco, afkiisa ayaa ka fogaada afka cambarka, mar kasta oo qalloocaasi sii fogaadana waxaa yaraata rajada laga qabo inay xawadu gasho ilma-galeenka. Qallooca ilma-galeenku waxa uu keenaa in dhakhtar loo baahdo iyo marmar qalliin.

5-  Qabow jinsiyeed (Kacsi la’aan):- Sida caadiga ah kolka ay haweeneydu kacsato waxaa xubneheeda taranka buuxiya dhiig, dabeetana maqaarka xubnahaasi waa uu kululaadaa, qanjirraduna soo daayaan dheecaannadoodii, murquhuna isku laablaabmaan, laablaabankaasi oo keena in ilma-galeenka afkiisu soo nuugo xawadii. Haddaba haweeneyda baaridka ah (aan kacsan), ilma-galeenkeedu wax dhaqdhaqaaq ah ma sameeyo, taasi oo markaasi yaraysa nuugista xawada iyo rimayga intaba.

6-  Ugxan la’aanta:- Dumarka qaar baa joojiya soo saarista ugxanta, taasi oo inta badan horseedda caadada oo ka istaagta, haddii aanay haweeneydu caado keeninna waxaa lagu tiriyaa madhalays.

Guud ahaan madhalaysnimadu waxay noqon kartaa mid joogta ah ama mid waqti ku xiran oo ay keenaan dhibaatooyin haddii laga hor tago amaba la daweeyo laga gudbi karo.

W/D: Sabriye Macalin Muuse.