Kalfadhiga Baarlamaanka oo aan berrito furmi doonin, xilli culeysyo ay jiraan

Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo Arbacada berrito lagu waday in uu dib u furmo Kalfadhiga Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxaa ku yimid dib u dhac.

 Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa shaaciyay in maalinta Sabtida uu furmayo kulamada Baarlamaanka, si loo sii dar dargeliyo howlaha Golaha horyaalla.

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka C/kariin Xaaji Buux oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in maalinka Sabtida ee 9-ka bishan uu furmayo kalfadhiga Golaha Shacabka Soomaaliya.

“Dhamaan Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa la ogeysiinayaa in waqtigii dib loo bilaabayay fadhiyada uu bilaawday, sababtoo ah muddadii fasaxa ee Xajka wuu dhamaaday, marka Sabtida haddii uu Alle idmo waxaa furmaya kalfadhiga Baarlamaanka” ayuu yiri C/kariin Buux.

Sidoo kale Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka ayaa ka daldabay Guddiyada joogtada ee Golaha Shacabka inay soo xaadiraan kulanka Khamiista soo socota oo looga hadlayo sameynta iyo dhameystirka ajandayaashi lagu hagi lahaa kalfadhiyada Golaha.

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Golaha Shacabka oo fasax galay 15-kii August ee sanadkan, ayaa horey ugu balamay in ay soo laabtaan 6-da September oo berri oo ku beegan, balse Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in fasaxa la kordhiyay oo la gaarsiiyay ilaa Sabtida 9-ka bishan.