Ku takrifal awoodeed iyo tacaddi shaqaale oo ka socda wasaaradda maaliyadda

Muqdisho (Caasimadda Online) – Haddii aynu eegno sida ay adduunyadu udhowrto xuquuqda shaqaalaha gaar ahaan Qaramada midoobay, waxaa u yaala xeer dhowraya shaqaalaha inay helaan mushahar fiican isla markaana helaan goob ama meel fiican oo lagu shaqeyn karo oo ah inaan shaqaaluhu kala kulmin wax xad gudub ama Qatar nafa hooda inta ay shaqeynayaan. Tani waxa cadaynaysa inay jirto Hay’ad dhan oo la yidhaahdo, Hayada Shaqaalaha ee Qaramada Midoobay (Iinternational Labor Organization) oo u taagan inay ka caawisao wadamada aduunka.

Iyadoo ay intaas oo dhan jiraan, ayaa xiligan Nin dhallinyara ah oo u shaqeeya Wasaaradda Maaliyadda laguna magacaabo  Liibaan Cabsiiye, horena uga soo shaqeeyey Wasaaradda Arimaha Dibadda uuna adeer u yahay Wasiirka Maaliyadda  Bayle oo labadaas shaqoba u sahlay  in uu si fudud u helo ayaa si khaldan u isticmaala awoodda Wasiirka Maaliyadda, wuxuu ku kacaa falal isdabamarin ah oo uu joogteeyey. Tusaale ahaan wuxuu cabsi ku abuuraa shaqalaha wasaaradda oo uu u hanjabaa, waxaan ka war helnay in uu kulammo aan rasmi ahayn ku qabto Hoteelada Magaalada kuwaas oo uu shaqaalaha ku dhibaateeye.

Waxaa nala soo xidhiidhay gabadh u shaqaysa xilligan wasaarada taas oo nooga warrantay hab-dhaqanka guracan ee Liibaan Cabsiiye, “ Cabsiiye wuxuu u hanjabay gabdho nala shaqaynayey kuwaas oo uu ugu danbayntii caga-juglayntii shaqada kaga saaray, wuxuu booskooda ku bedelay dad uu lacago ka qaatay oo isaga ka amarqaata iyo qaar qaraabadiisa ah”.

Dabagalka aan ku samaynay Liibaan Cabsiiye waxaan ku ogaannay in uu sidoo kale isdaba marin ku sameeyo shaqada wasaaradda, arintaas oo wasiirku aanu waxba kala socon. Wuxuu heshiisyo hoose lagalaa shirkado been abuur ah oo aan Dawladda u diiwaangashanayan kuwaas oo uu lacago jeebkiisa ku dhaca ka qaato.

Xilligan oo dawladda MR Frmaajo ku dadaalayso la dagaallanka musuqmaasuqa waxaa Ayaan darro ah in uu shakhsi Liibaan Cabsiiye oo kale ahi ka mid ahaado shaqalaha dawladda. Muhiimadda qoraalkani  wuxuu ku tilmaamanyahay isla xisaabtay iyo dabagalka kuwa duminaya dawladnimada Soomaalida.

Wasaaradda Maaliyaddu hadii aanay qayb ka ahayn musuqmaasuqa uu wado Liibaan Cabsiiye waa in ay bayaan cad ka soo saartaa shakhigan. Wasiir Bayle waa in uu wax ka qabtaa arimaha iyo falalka uu ku kacayo wiilka uu adeerka u yahay ee Liibaan cabsiiye ee adeegsanaya magaciisa.