Kunteenaro ku rarnaa markab oo shaqaale ku laayay dekadda Berbera

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Berbera ee maamulka Somaliland ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay shil ka dhashay Kunteenar laga dajinaayay Markab taagnaa dekadda Berbera.

Shilka ayaa dhacay kadib markii shaqaalaha dajinaayay rarka saarnaa Markabka uu kusoo go’ay Kunteenar ay ka dajinayeen Markabka.

Shilka ayaa waxaa ku dhintay ilaa iyo hal ruux, halka tirro intaa kabadana uu soo gaaray dhaawac lala dhigay mid kamid ah Isbitaalada magaalada Berbera.

Ninka ku dhintay shilka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Daa’uud oo xiligaa ku guda jiray shaqooyinkiisa xirfadnimo.

Dekedda Magaalada Berbera ayaa waxaa ka shaqeysta Muruqmaal aad u badan ,kuwaa soo marar qaarkood kala kulma dhibaatooyin xooggan.

Sidoo kale, Ciidamada Booliska maamulka Somaliland ayaa waxa ay sheegeen in ay bilaabi doonaan Baaritaano ku aadan Geerida Marxuum Daauud.

Dhinaca kale, waxaan la ogeyn waxa sababay shilkaan balse laamaha amaanka ayaa wada baaritaan la xariira waxa fududeeyay in uu soo dhaco Konteenarkaan ku rarnaa qalab badan.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com