La kulan 70 jir haysta shahaadooyinka ugu badan ee Jaamacadeed, welina waa arday

Luciano Baietti, waa maamule iskool oo shaqada ka fariistay wuxuuna degan yahay magaalada Velletri ee dalka Talyaaniga, ninkaani wuxuu heystaa rikoorka buugga dhacdooyinka taariikhiga ah ee adduunka lagu keydiyo The Guinness World Records iyadoo loo aqoonsaday ninka heysta shahaadooyinka ugu badan ee heer Jaamacadeed.

70 sanno jirkaan Luciano Baietti ayaa wuxuu heystaa 15 shahaado oo isugu jira Bachelors iyo Masters Degrees wuxuuna ka kala qaatay Jaamacado kala duwan oo ku yaalla dalka Italy.

Luciano Baietti ayaa adduunka ka yaabsaday markii uu warbaahinta u sheegay inuu diyaar u yahay inuu haatan gacanta kusoo dhigo shahaadadiisii 16aad ee heerka Jaamacadeed.

Luciano Baretti wuxuu dadka dheer yahay inuu ku faraxsan yahay noloshiisa ardaynimo. Wuxuuna hurdada kasoo kacaa 3am habeenimo habeen kasta, iyadoo waqtigaas ay dadka oo dhan hurdayaan ayuuna akhristaa cashirradiisa Jaamacadda.

Ninkaan u dhashay Talyaaniga ayaana daaha ka qaaday inuu ku faraxsan yahay inuu rikoorkaan ku galay buugga The Guinness World Records, isagoo ku daysanaya ninkii u dhashay Faransiiska Louis-Francois Bertin, kaasoo qarnigii 19aad shahaadooyin badan ka qaatay jaamacado kala duwan.