LIVE HD: Toos u daawo 8 musharax oo khudbado u jeedinaya BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xarunta golaha shacabka ee Muqdisho ka bilaabatay dhageysiga khudbadaha musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, ayada oo dhowr musharax ay maanta jeedin doonaan khudbadahooda.

Kulanka Baarlamaanka waxaa si rasmi ah u furay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Somaliyed Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaana uu fadhiga ku furay Xildhibaano gaaraya 208 Xildhibaan oo Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee dalka isugu jira.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa sheegay Musharax waliba inuu haysto fursad dhan 30-daqiiqo oo uu Baarlamaanka ugu soo bandhigi doono Ajandihiisa ku aadan waxqabadka uu la imaan doono, hadii xilka Madaxtinimada dalka uu ku guuleysto.

Musharraxiinta maanta khudbeyn doona ayaa kala ah:

  1. Axmed Maxamed Cabdi
  2. Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi
  3. Bashiir Raage Shiiraar
  4. Jibriil Ibraahim Cabdulle
  5. Xasan Sheekh Maxamuud
  6. Saciid Cabdullaahi Deni
  7. Saciid Ciise Maxamuud
  8. Shariif Sheekh Axmed

Hoos ka daawo khudbadaha oo socda

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com