Maalin ka hor qalin-jebinteeda ayaa la dilay

Musiibada ka dhalatay qarixii sabtidii ka dhacay Muqdisho ma ahan mid kooban. 276 qof oo qeybaha kala duwan ee bulshada isugu jira ayaa qaraxa ku dhintay.

Dhallinyaro, odoyaal, aqoonyahano, ganacsato iyo dad kale ayaa ka mid ahaa dadkii lagu dilay qarixii ugu xumaa ee ka dhaca Soomaaliya.

Dad badan ayuu saameeyay, waxaana suuragal ah in qofkasta oo Soomaali ah in uu garanayo qof ku dhintay qaraxaas ama ehel la yahay.

Maryam Cabdullahi waxay ka mid ahayd dadka doonayay in ay ka faa’ideystaan aqoontii ay jaamacadda ka soo heleen.

Anfac Cabdullahi Maxamed oo la dhalatay Maryam ayaa sheegay, “Lambarkeeda ayaan wacay, markii koobaad waa la iga qaban waayay, waan ku celiyay, wiil baa iga qabtay, wuxuuna igu dhahay Alle ha u naxariisto gabadhii lambarkan lahayd waa mayd waxayna taallaa hotel ku yaalla Soobe hortiisa.”

“Qoyska aad buu uga murugooday. Aniga waxaa murugada iiga daran waalidkeyga; aabe iyo hooyo. Alle qalbigooda ha u wanaajiyo,” ayey tiri Anfac Cabdullahi.

“Aaabe wuu soo socday, wuxuu deganaa Britain Maanta ayuu ku soo aadanaa in uu Xamar ka soo dego, laakiin maysan dhicin in uu nolol ugu imaado ee geerideeda buu ku soo aaday, gacmihiisa ayuuna ku soo aasay,” ayey hadalkeeda ku dartay Anfac.

Maryam waxay dhameysay kulliyadda caafimaadka ee jaamacadda Banaadir, xafladda qalinjebinteedana waxay ahayd 15-kii bishan. Balse maalin ka hor xilligii ay shahaadada heli lahayd ayay ku dhimatay qarixii Soobe.

“Maryam waxay ahayd qof ku deyasho mudan oo dadaalkeeda iyo howlkarnimadeeda ay ku beereen in ay jeclaato waa in ay dadka caawiso,” ayey sheegtay Anfac.

Maryam waxay ka shaqeyneysa cisbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxayna shaqo bilowday intii ay jaamacadda dhiganeysay.

“Waxay qorsheyneysay in ay bilowdo tababar ku saabsan taqasuska Hooyada iyo Dhallaanka iyo qalliinka la xiriiro. Waxay dooneysay in ay bilowdo ka dib xafladda qalinjebinteeda. waxay ahayd qof hammi leh,” ayey hadalkeeda ku dartay Anfac oo la dhalatay Maryam Cabdullahi.